Madaxtooyada Oo UN-ka Dhedhexaadin ka Dalbatay

Politics

Kadib Markii Muddo 3-sano iyo dheeraad ay ku adkeysanaayeen Maamulka Farmaajo iney ka marmeren dhexdhexaadintii Shisheeyaha, isla markaasna Khilaaf xoogan uu ragaadiyay Hanaanka wada shaqeynta ee Dowlada Federaalka iyo Maamulada Gobolada, ayeey hadda isku dhiibeen in Qaramada Midoobey ay diyaarineyso Shir ay isugu keeneyso Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, si looga arrinsado xaalada siyaasadeed ee dalka iyo doorashada sanadka 2021, waxeyna magacaabeen Wakiil gaar ah oo ay u xil saartay diyaarinta arrimaha shirkaas…

Ilo wareedyo ayaa u sheegaya Diinah.com in Madaxtooyada Villa Somalia ay qorsheysay in kulan balaaran ay la yeeshaan Dowlad goboleedyada kaasoo lagu wado inuu dhamaadka bisha June qabsoomo.

Wakiilka loo xilsaaray diyaarinta shirka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa lagu magacaabaa Prof. Najiib Sheekh C/kariin oo ka mid ah la Taliyeyaasha Madaxweynaha.

Sarkaalkaan oo dhowaan qoraal uu u diray Kuxigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Rai Zenenga ugu sheegay in loo xil saaray inuu diyaariyo shirka dhamaadka bisha June 2020 dhex mari doona dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, isagoo ka dalbaday iskaashi iyo taageero Xafiiska UNSOM iyo Xafiiska Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya.

Qoraalkaassi ayaa looga dalbaday Xafiisyada Qaramada Midoobey inay u casuunto Xogheynada Xafiiska Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada, lagana howl galo howsha diyaarinta shirkaas, iyadoo shir hordhac ay isugu imaan doonaan Xogheynada kala matalaya Xafiisyada Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, si loo diyaariyo ajandaha shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Khilaafka muddada dheer u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa sababay inuu hakado xiriirkii wada shaqeyn ee labada dhinac u dhaxeeyay, isla markaana dhowr jeer uu guuldareystay dadaalo lagu xalin lahaa oo ay waday Beesha Caalamka.

Arrinta ugu weyn ee la is weydiinayo ayaa ah halkii ay aheyd in dowladda Federaalka ay si toos ah martiqaad ugu dirto Maamul goboleedyada inay u marto Qaramada Midoobey, waxaana la weydiinayaa waxa iska bedelay mowqifka dowladda Federaalka ee ku aadanaa in Beesha Caalamka aanay arrimaha gudaha ee Soomaaliya faragelin, iyadoo la xusuusto eryintii Wakiilkii hore hore ee Qaramada Midoobey Nicholas Haysom markii uu ka hadlay rabshadihii ka dhacay Baydhabo dhamaadkii sanadkii 2018.

29560cookie-checkMadaxtooyada Oo UN-ka Dhedhexaadin ka Dalbatay