Ilaaladii Gaarka Aheyd Ee Fahad Yasin Oo Amaro la dul Dhigay

Somalia news

Macluumaad hordhac ayaa laga helayaa amar lagu soo rogay ilaaladii gaarka aheyd iyo laba gaari oo kuwa dagaalka oo joogay Hoyga Fahad Yasin, iyadoo la sheegay in lagu amray iney ku soo xaroodaan xarunta FISA…

Wararka ayaa sheegay in ilaa 30 askari oo ka tirsan xoogaga FISA iyo labo gaari dagaal isla markaasna aheyd ilaalada gaarka ah ee hoyga Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa lagu amray inay ku soo xaroodaan xarunta Taliska NISA, kaddib amar ka soo baxay Agaasimaha cusub ee NISA Mahad Salaad.

Warka ku saabsan in la weeraray hoyga Agaasimihii hore ayaa ah mid aan waxba ka jirin, balse kaliya uu ahaa amar Taliska ka soo baxay oo lagu amray in Ciidamada ay ku soo laabtaan shaqadoodii hore, maadaama ay ka mid yihiin Ilaalada Taliyaha.

192340cookie-checkIlaaladii Gaarka Aheyd Ee Fahad Yasin Oo Amaro la dul Dhigay