Share the post "Maleeshiyaadkii Shababka ee Lagu Jebiyay Dagaalkii Ka Dhacay Degaano hoosta Gobolka Hiiraan Oo.."
Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeelda Dhexe ayaa sheegaya in Maleeshiyaadkii ka tirsanaa kooxda argagixisada shabaabka ee lagu jebiyay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Gobolka Hiiraan ay gaareen degaano hoostaga Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe…
Xuuraankaan oo laga helay Dadka Degaanka ah ayaa tilmaamaya in saacadihii lasoo dhaafay agagaarka Jiinka Webiga Shabeelle ee Mahaaday lagu arkay tiro Maleeshiyaad badan oo hab-qan ah kuwaasoo soo buuxiyay degaankaasi waxeyna u muuqdeen kuwa daal iyo rafaad badan ka muuqdo kana soo baxsaday dagaaladii ugu cuslahaa ee dhowaanahaan ka dhacayay gobolka Hiiraan.
Iyadoo Wararku sheegayaan in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Hirshabelle ayaa saacadihii lasoo dhaafay dhankoodi bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan inay uga hortagaan is uruursiga ay Argagixisada Shabaabka ka bilaabeen degaanada Hoostaga Degmada Mahaaday.