Cabasho Ay Qabaan Qaar Ka Mid Ah Shaqaalaha Gobolka Benadir

Somalia news

Warbixino la helay ayaa muujinaaya in Maamulka Gobolka Benadir uusan siinin mushaarka bishii hore ee May qaar kamid ah shaqaalaha dowladda Hoose ee Xamar, waxaana soo baxaya qeyla dhaan xoog leh oo ay dirayaan shaqaalaha xuquuqda ka maqan…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Shaqaalaha Maamulka Gobalka Banaadir ee ku qoran Xafiisyada Arrimaha Bulshada iyo Duqa ayaa wali helin mushaarkooda, waxaana la sheegay in qaarka kalane ay haleen laba maalmood ka hor, Sababta mushaarka shaqaalaha Gobalka Banaadir bishaan qaar uga soo daahay qaarna ay weysan yihiin ayaa xog aan helnay ay sheegeysaa inay tahay in lacagtii Maamulka Gobalka Banaadir ee dakhliga aheyd loo isticmaalay diyaar garowga toddobaadka Xorriyadda.

Inkastoo aysan warbaahinta la hadli karin shaqaalaha maamulka Gobalka Banaadir ee wajahaya mushaar la’aanta ayaa hadane waxaa jirto ay muujinayaan qeylo dhaan badan, islamarkaana ay qaarkood sheegeen in culeysyo dhaqaale oo dhinaca qoyska ay heystaan.

126320cookie-checkCabasho Ay Qabaan Qaar Ka Mid Ah Shaqaalaha Gobolka Benadir