Maqaalka Caafimaadka:-Xabad Xanuunka Noocyadiisa Iyo Sababaha Keena..

Health

Xabad xanuunka (angina) waa digniin caafimad oo taxadarkeeda u baahan wana ciriri iyo culeys laga dareemo xabadka taasoo keenta iney yaraato awooda qofka ku qaadan karo hawada una eg wadno istaaga waa fariin ama dignin u dirayo muruqa wadnaha kaso daremaya xanuun ama dhaawac ku yimid islamarkaana dalbanaya wax ka qabasho degdeg…

Calaamadaan ayaa ah mid inta badan ay la kulmaan Dhaqaatirta ku taqasustey xaladaha wadnaha inta badan calamadan waxey joogta waqti yar sida 3 daqiiqo taaso kadeed kurida qofka kuna abuurta cabsi ah inuu wadnuhu istaago hadi aan la daweyn sababta keenta calamadaan badanaa wa’ay soo noq-noqota.

2-Qeybood ayaa loo kala Saaraa

  • Mida 1ad waxa lagumagacaba (stable angina) waxeyna timada marka qofku u sameynaayo jimicsi ama uu wel walsan yahay waxeyna baab’ada marka uu qofku nasto, xanuunkan ma’ahan wadno istaag laakiin waa digniin ah inaad lakulmi karto wadno istaag mustaqbalkaga waxana haboon inaad dhaqtar wadnaha ah aad la xiriirto.
  • Mida 2aad waxa loo yaqaan (unstable angina) waxaana la dareemaa marka lagu jiro xiliga nasashada waxey joogta mudo ka badan waqti mida 1aad weyna soo noqnoqotaa inta badan.
  • Sidoo kale waxaa jirta mid 3-aad oo loo yaqaano (varianta angina) taasoo la dareemo xilliga hurdada xaaladan waxey cadeynesa inusan wadnuhu helin OXYGEN ku filan.

MAXA SABABA XABAD XANUUNKA?

Sababta ugu weyn ee calaamadaan ayaa ah in xididada dhiiga u qaad Wadnaha ay gufeyaan ama xiraan waxyaabo ka sameysan dufan taaso keenta in muruqa wadnaha uu san helin hawo ku filan muruqu wuxuu si shaqeeya isagoo helaaya dhiig yar taas ayana ah sababta loo daremayo culeys saraan xabadka xanuuno kale oo wadnaha ku dhaca ayaa sidoo kale keeni kara calaamadaan.

Calaamadaha kale ee la socdo waxaa ka mid ah Kuleyl xabadka laga daremo, damqasho iyo culeys darbiyada xabadka gaar ahaan muruqa loo yaqano (pectoris major) ee kuyaala hareraha naasaha waxa laga yaaba iney ku fido garbaha iyo gacmaha ilaa lafta kala barta xabadka.

330720cookie-checkMaqaalka Caafimaadka:-Xabad Xanuunka Noocyadiisa Iyo Sababaha Keena..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *