Dagaalka Sirdoonada Oo Saameeyay Covid-19

Health

Ra’isul wasaaraha Jarmalka Angela Merkel ayaa sheegtay inay diiday codsi Ra’isul wasaaraha Isreal Binyamin Netanyahu uu kaga dalbanayay Jarmalka inay ka iibiyaan Mishiinada caawiya dadka neefsashadu ku adagtahay sida ay qortay jariidada Yedioth Ahronoth….

Labada hoggaamiye ayaa ku wadahadalay khadka Telefoonka, waxaana uu ka codsaday ra’isul wasaare Benyamin in dalkiisa laga iibiyo mishiinadaas si ay ula dagaalamaanka Cudurka Coronavirus ee adduunka saameeyeen.

Hay’adda Sirdoonka Isreal ee MOSSAD iyo Guddiga Amniga ayaa dhisay Gudi (koox) Sarkiil Sirdoon, khuburo iyo ganacsato isugu jira oo dalka dibadiisa ka soo iibiya qalabka muhiimka ah u ah in lagu dagaalamo coronavirus, islamarkaana lagu badbaadiyo dadka la ildaran ama laga cabsi qabo inuu ku dhaco cudurku.

Ku Darsoo Dalka Jarmalka ayaa todobaadkii tagay Shixnad 6-Milyan oo isku jira Qalabka Tijaabada (Test kits), Kuwa Afka lagu xirto iyo qalab kale oo muhiim u ah La dagaalanka Cudurka Coronavirus, ayaa laga xaday waxaana lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Nairobi, iyadoo lagu tuhmaayo iney xatooyadaasi ka dambeeyaan Hey’addaha CIA iyo Mossad.

25080cookie-checkDagaalka Sirdoonada Oo Saameeyay Covid-19