Share the post "Mareykanka oo ka Hadaleen Sababta aysan ugu codayn Howlgalka Cusub ee AUSSOM…"
Dalka Mareykanka oo ku jira xili kala guur ah ayaa Maamulka ka sii degaaya hagida Talada Dalka ayaa markii ugu horraysay ka hadleen sababta ay uga gaabsadeen inay u codeeyaan Qaraarka lagu meel marinayay Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM)…
Warsaxaafadeed lagu faafiyay bogga rasmiga ah ee Howlgalka Maraykanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Mareykanku go’aansadeen inuu ka fiirsado taageerada qaraarka sababo la xiriira shuruudo aan weli laga fulin Somalia si loo meel mariyo qaraarka 2719.
Waxey kaloo Maraykanku walaac ka muujiyeen hababka cusub ee taageerada dhaqaale ee howlgalkan, “Si kastaba ha ahaatee, uma codayn karno qaraar adeegsanaya qaab cusub iyadoon si buuxda loo tixgelin ujeeddooyinka ku aaddan miisaaniyada la isku daray, sida ku cad Qaraarka 2719, Waa in la hubiyaa in habraacyada ugu wanaagsan ee nabad ilaalinta ,” ayaa lagu yiri bayaanka Mareykanka.
Waxaa kale oo warsaxaafadeedka lagu xusay in Mareykanku sanad walba Soomaaliya uu ku bixiyo in ka badan 1.2 bilyan oo doollar, isaga oo ah deeq bixiyaha ugu weyn ee taageerada dhaqaale ku bixiya nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee caalamka.