Wararkii ugu Dambeeyay Xaflada ku Dhawaaqista Liiska Golaha Wasiirada

Somalia news

Iyadoo lagu wado in salaada duhur kadib in la qabto xaflada ku dhawaaqista Golaha Wasiirada ayaa waxaa hadda shir uga socdaa Villa Somalia Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Sheekh Mukhtar Roobow oo ka mid ah Golaha Wasiirada…

Goobjoogayaal ku sugan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo warramaya in inta badan xubnaha ku jira liiska Golaha Wasiirada Ra’iisul Wasaaraha oo xalay la wargeliyay ay ku sugan yihiin dhismaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Xogo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Xafiiska Xeer Ilaalinta ay soo saari doonto warqad dambi la’aan ah oo si buuxda ugu ogolaaneysa xoriyadda Mukhtar Roobow.

205150cookie-checkWararkii ugu Dambeeyay Xaflada ku Dhawaaqista Liiska Golaha Wasiirada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com