Markab Laga Leeyahay Iran Oo Lagu Weeraray Badda Cas

World

Faahfaahin ayaa laga helayaa Markab Nooca xamuul ah oo laga leeyahay dalka Iiraan oo la rumeysan yahay inuu saldhig u yahay ciidamada ilaalada kacaanka oo sanado badan ka howlgalayay badda cas meel ka baxsan Yeman ayaa la weeraray sida ay ku warantay warbaahinta dalkaasi….

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Iran ayaa Arbacabada maanta ah xaqiijisay weerarka, iyada oo sheegtay in markabka MV Saviz uu haleelay qarax aan la garanayn oo sababay “waxyeello yar” abbaaraha 6-da subaxnimo waqtiga maxalliga ah ee Badda Cas, kuna dhow xeebta Jabuuti.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Saciid Khatibzadeh ayaa sheegay in markabka Saviz uu yahay markab aan militari ahayn oo si rasmi ah uga diiwaan gashan Hay’adda Badaha Caalamiga ah ee u shaqeysa sida “saldhigga saadka” ee Iiraan ee Badda Cas, oo fuliya howlgalo ka dhan ah burcad-badeedda.

“Nasiib wanaag wax dhimasho ah kama dhalan dhacdadaas, qiimeyn farsamo oo la xiriirta sida ay wax u dheceen iyo halka ay ka bilaabatay ayaan wadnaa” ayuu yiri.

Joogitaanka markabka ee gobolka, oo si isdaba joog ah u cambaareeyay Sacuudi Carabiya, ayaa yimid iyadoo reer Galbeedka iyo khubarada Qaramada Midoobay ay sheegeen in Iran ay hub iyo taageero siisay jabhadda Xuutiyiinta Yemen xilli uu dalkaasi dagaal sanado badan socday.

108720cookie-checkMarkab Laga Leeyahay Iran Oo Lagu Weeraray Badda Cas