Share the post "Markab Xamuul Shidaal Siday Oo ku Gubtay Xeebaha ku Dhow Biyaha Somalia.."
Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Markab shidaal oo watay calanka Jasiirada Marshall Islands, (Invictus), ayaa dab ku qabsaday gudaha Badweynta Hindiya isagoo marayay meel ka baxsan xeebaha Somalia isagoo ku sii jeeday Fujairah ee dalka UAE, sida ay sheegeen Hey’ada Badaha..
Wararka ayaa sheegaya Dabka ayaa ka kacay qeybta matoorka Markabka fiidnimadii Abriil 22-dii, waxaana markabka uu ku xanibmay badda isagoo ku sugan meel qiyaastii 508 mayl-badeed (nautical miles) ka xigta magaalada Muqdisho, inkastoo Shaqaalaha markabka ay ku guuleysteen iney dabka xakameeyaan duhurkii maalintii xigtay, Abriil 23, ha yeeshee markabka weli ma lahan awood koronto ah sababo la xiriira biyo ku fatahay qaybta matoorka, taasoo ka hor istaagtay shaqaalaha iney si buuxda u qiimeeyaan khasaaraha.
Ciidamada badda ee India oo howlgal kaga jiray meel u dhow ayaa ka jawaabay baaqa gurmadka waxayna markabka u direen koox caafimaad. Mid kamid ah shaqaalaha markabka oo u dhashay dalka Filibiin ayaa ku dhaawacmay dabka, Markabkan ayaa kasoo furtay dekada magaalada Beira ee Dalka Mozambique ka hor inta uusan shilku dhicin, isagoo marayay mid ka mid ah marin-biyoodka ugu mashquulka badan uguna istaraatiijisan caalamka.
Shirkadda maamusha markabka ayaa haatan qiimeyneysa sidii loo daadgureyn lahaa shaqaalaha dhaawacmay loona soo celin lahaa korontada markabka ama loogu jiidi lahaa meel ammaan ah, Dhanka kale, unugyo ka tirsan ciidamada badda Midowga Yurub oo ku sugan gobolka ayaa si dhow ula socda xaaladda Markabka.