Dowladaha Federaalka Oo Ogolaasho Qarsoodi ah Siisay Maraakiibta Ciidamada USA & Isticmaalka Hawada Diyaaradaha Israel..

Somalia news

Macluumaad Sirdoon ayaa daaha ka roogaya in Maamulka Xasan Gurgurte uu oggolaasho Qarsoodi ah siiyay in Raxanta Maraakiibta Dagaalka ee uu hormuudka u yahay Markabka Diyaaradaha Xambaara ee USS Dwight D. Eisenhower (CVN 69), Halka Diyaaradaha Rakaabka ee Israel loo oggolaaday iney Hawada Somalia maraan…

Wararka ayaa sheegaya in xeebta Magaalada Berbera ay xiligaan ku sugan yihiin Raxanta Maraakiibta dagaalka ee USS Dwight D. Eisenhower (CVN 69), sidoo kale Garoonka diyaaradaha magaalada Berbera ayaa gebi ahaan waxaa la wareegay Ciidamada Cirka ee USA, Dad badan ayaa is weydiinaya hadiiba ay intaasi oo Maraakiib dagaal ku sugan yihiin Xeebaha Somalia maxaa wax looga qaban la’yahay Afduubka Kooxaha Burcad badeedka.

Dhanka kale Villa Somalia ayaa oggolaasho siiyay Diyaaradaha Rakaabka ee El Al Airlines ee Dalka Israel, fasaxaan ayaa ku soo beegmay Dagaalo lagu hoobtay ee ka socda magaalada Gaza, iyadoo Xogo sheegayaan Dowladaha USA & UAE ay culeys ku saareen Maamulka Villa Somalia iney bixiyaan fasaxyadaasi.

295850cookie-checkDowladaha Federaalka Oo Ogolaasho Qarsoodi ah Siisay Maraakiibta Ciidamada USA & Isticmaalka Hawada Diyaaradaha Israel..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com