Masaajidyada Iyo Maqaaydaha Muqdisho Qaarkood Oo La Xiray

Health

Wararka hordhaca ee naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Degmooyinka Xamar Weyne, Shibis, Xamar Jabjab,Waaberi iyo Wadajir la xiray oo aan lagu tukan Salaadii Jimcaha, kadib markii Cudurka Saf mareenka ah Covid-19 laga helay Muqdisho….

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Degmooyinka Kaaraan,Yaaqshiid, Wardhiigley H/Wadaag, Boondheere iyo Heliwaa ay furan yihiin oo lagu Tukaday Salaada Jimcaha, waxeyna dhegaha ka fureysteen baaqyada lagu xiraayo Masaajidyada, iyadoo Sidoo kale ay furaan yihiin maqaayadaha.

Masaajidka Marwaas ee Degmada Xamar ayaa ka sheegay in wiilal yar yar oo bistoolado ku hubeysan ay diideen ka lagu tukado, waxaana ka dhacay banaan bax looga soo horjeedo xirida Masaajidyada iyo Maqaayadaha, iyadoo milkiilayaasha Maqaayadaha ee degmada si qasab ah looga xiray iyadoo ay raashid bisil oo diyaar ah yaalaan, waxeyna sheegeen in aan lagu wargelin xili hore.

27220cookie-checkMasaajidyada Iyo Maqaaydaha Muqdisho Qaarkood Oo La Xiray