Wararkii ugu dambeeyay ee Daadkii Qardho

Health

Wararkii ugu dambeeyay ee Biyihii-daadka ahaa ee dhex-marayay Magaalada Qardho ayaa gebi ahaanba yaraaday, Dadkii ay saameeyen daadadka ah ayaa la dejiyay Dugsiyadda Magaalada Qardho, Waxaana dawlada oo kaashanaysa Shacabka ay bilawday Gurmad hordhac ah oo lagu garab-istaagato dadka ay saameeyeen fataahada biyaha…

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilaahi Deni ayaa Bulshada Qardho la qeybsaday xaaladda Bani’aadantinimo ee ay ku jiraan, iyo khasaaraha naf iyo maal leh ee ka dhashay Biyaha magaaladda kusoo rogmaday. Wuxuu Madaxweynuhu ka qeyb galay Aaska dadkii ku geeriyooday daadadka kusoo fatahay magaaladda, isagoo tacsi u diray ehelada iyo qoysaska dadkii geeriyooday.

Waxaa Xalay kulamo gaar-gaar ah Magaalada Qardho ku yeeshay gudiyadda ku meel-gaarka ee qaabil-san Gurmadka, waxay sheegeen in au muhiim tahay in la mideeyo goobaha dhaqaalaha lagu ururinayo, sidoo kale waxay joojiyeen in wax akoon ah la furo.

30680cookie-checkWararkii ugu dambeeyay ee Daadkii Qardho