Maxaa Ka Dhab Ah Wararka Booqshada Hargeysa..

Politics

Sida uu ku sheegay Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Mr.Abiy Ahmed, waxey qorsheynayaan iney safar shaqo ku tagaan Magaalada Hargeysa dhowaan si looga shaqeyn mideynta Somalia..

wuxuuna sheegay MR.Abiy “iney wada worsheysteen isaga iyo Mr.Farmaajo iney Hargeysa tagayaan si horey loo sii wado dib u midowga Somalia, Mr.Biixina Waa la qabaa in la heshiiyo, Gobolkaan kala qoqobwiyo kala qeyb Sanaan kama sii jiri doonto oo dabeylaha Isbedel doonka ayaa cagta marin doonta”.

Dhanka kale, MrMuuse ayaa khudbadiisa maanta ku sheegay ” Dowladda Farmaajo waa dowladii ugu cadaawada badneed ee Somalilanda la dagaashay, waxay dagaal dhaqaale iyo mid dadba ay ku soo qaaday Somaliland, waxay hor istaageen mashaariic ay lahayd Somaliland, waxay hakiyeen dhamman dhaqaalihii, waxbarashadii, heshiisyadii magaca somali lagu soo qaaday balse Somaliland lasiin jiray” sidaasi darteed caqbali mayno Farmaajo oo sheeganaya Madaxweyne inuu yimaado magaalada Hargeysa, waana waxba kama jiraan oo riya ah booqashada lagu sheegay Farmaajo ayaa imaana ama tagi doono.

Hadaba, Dhinacyadaan keeba runta sheegaya, iyadoo labada maalmood ee ugu dambeysay ay baraha Bulshada ay ku mashquuleen Safarada Abiy/Farmaajo ee Hargeysa iyo Diidmada Hogaanka Hargeysa.

17540cookie-checkMaxaa Ka Dhab Ah Wararka Booqshada Hargeysa..