Villa Somalia Oo Aan Ku Dhaqmin Sharciga iyo Dastuurka..

Politics Uncategorized

Maamulka Farmaajo ayaa weli sii wada xadgudubyada ku tumashada Sharciga iyo Dastuurka ka baxsan ee uu geysanaayo Muwaadintiinta Soomaalida, iyadoo 3-dii sano ay u dambeysay ay noqdo mid joogto ah oo xarig sharci darro oo baalmarsan Sharciga iyo nidaamka Dowliga ah.

Waxaa soo shaac baxaaya Warbixino welwel xambaarsan oo lagula kacay Askar lagu eedeeyay baxsashada Wasiirka Amniga, kuwaasoo u xil sarnaa iney ku ilaaliyaan guri ku yaal degmada Shibis ee Gobolka Benadir, Askartaan ayaa muddo 3-todobaad ah ku xiran cabsi ku yaal Xarunta NISA ee Magaalada Muqdisho, kuwaasoo aan la horgeynin wax Maxkamad ah oo xarigooda xalaaleysa.

Askartaan oo 4-xubnood kala ah kuwaasoo Laba ay Boliiska ka soo jeedaan halka labada kale NISA ay ka tirsan yihiin, waxaana lagu xiray qololka Maxaabiista caadiga ee NISA, waxaase aad uga yaabiyay Aqoonyahannada u dhuun daloola sharciga xeerarka Ciidamada, In Askar Boliiska ka tirsan lagu xiro xarunta NISA, iyadoo aan weli aysan ka hadlin Kuwa sheegta Mas’uuliyiiyada Hogaanka Boliiska.

Askarta Boliiska ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Shuceyb Xasan Yusuf iyo Maxamed Axmed Xasan waxeyna ka tirsanaayeen Saldhigga Boliiska Shibis, iyadoo kiiska Askartaan la sheegay inuu lugaha la galay Hogaanka NISA iyo Kan Boliiska Gobolka Benadir.

Maamulka Farmaajo ayaan weli ka Hamlin Qalabka uu ku baxsaday iyo Sababta 4-bilood loogu hayay guryo kala duwan ee Gobolka Benadir ka tirsan, iyadoo sharcigu uu qabo In Xabsiga la dhigo, 48-gudahoodna la horgeeyo Maxkamadda.

16710cookie-checkVilla Somalia Oo Aan Ku Dhaqmin Sharciga iyo Dastuurka..