Maxaa Ka Hortaagan Danleyda Siyaasada iney Nidaamka Federaalka ah ee Lagu Heshiiyay la Qabyo Tiro..

Politics Somalia news

Somalia ayaa waxay si tartiib tartiib ah ugu socotaa burburka nidaamka jilicsan ee Federaaliga, iyadoo huwan magaca magacaasi balse Beeleysan, Gobol kasta oo xubin ka ah Nidaamka Federaalka ayaa wuxuu leeyahay Madaxweyne u gaar ah, Xuduudo, Calan, Ciidan, Baarlamaan, Gole Wasiiro, Maxkamado, iyo xaaladaha qaarkood, xitaa lacag u gaar ah ama qorsheynaya inay mid yeeshaan…

Hay’adahani waxay si cad u isbaaro ugu yihiin Hey’adaha Dawladda Federaalka ah oo leh wadashaqeyn yar ama aan lahayn, Khubarada ku xeel dheer Arrimahaan ayaa yaqiinsan in Qarankii dhibka lagu soo dhisay miyeeynu hagaajineynaa mise anagoo og/ogaal la’aan ayaa dumineynaa? Waxaa la gaaray waqtigii dood geesinimo iyo caqli-galnimo ku dhisan ay dhexmari lahayd ardaayada ee iska soo horjeeda.

Kuwa sida dhabta ah ugu doodaya Midnimada iyo kuwa kale oo u ololeynaya sii wadida burburka, habdhaqanka Horgalada Nidaamka Dowladnimo ee hadda Somalia xiligaan horboodaya ayaa ku riyoonaya in dantooda ay ka hormarinayaa Danta guud, iyagoo adeegsanaya Shaati Qabiil oo Federal huwan, Balse waxaa muuqda calaamado muujinaya in iyadoo laysku qarinayo nidaamka hadda jira ee la magac baxay Maamulada Gobolada iyo mid Federaalka ay sii kala fogeynayaan nidaamka jilicsan ee dhisan Si kastaba ha ahaatee, waxaa loo baahan yahay waa in dood caafimaad qabta arintaan laga galo.

Somalia Siyaasiyiin beeleysan iyo kuwo kooxeedyo oo naceyb iyo jaahilnimo ku dhisan ayaa sii kala fogeynaaya, balse Shacbiga way doonayaan Nidaam Dowli ah, Sidaa awgeed waxa kaliya oo isku hayn kara oo Dalka lagu ilaalin karo waa Federal daah furan, Kooxaha Deni iyo Axmed Madoobe Dantooda ayeey Beelahooda la hoos galeen, Maamulka Waqooyiga Beesha Dhexe ayaa afduub ku heysata, Halka Mogdishuna waxaa Koox diimeed Hubeysan oo magac Beel huwan ayaa diidaya in Nidaamka Federal la qabyo tiro, Aqoonyahannada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa looga fadhiyaa iney u istaagaan sidii Dalkaan looga badbaadin lahaa manaxayaashaan tuugsada ee Qabaanada u ah Carabta iyo Dalal Shisheeye, Somalia Alle Qani buu ka dhigay.










354070cookie-checkMaxaa Ka Hortaagan Danleyda Siyaasada iney Nidaamka Federaalka ah ee Lagu Heshiiyay la Qabyo Tiro..