Yuusuf Garaad: “Doorashada ayay macnaha ka dileysaa haddii la yiraahdo Puntland iyo Jubaland Muqdisho halagu doorto“

Somalia news

Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliya ayaa Dowladda Federaalka ugu baaqay hannaan hufan, oo suurtagelin karta in dalka kaga qabsoomto doorasho leesku waafaqsan yahay….

Yuusuf Garaad ayaa tilmaamay in Xildhibaanada Gobolada Waqooyi (Somaliland) lagu doortay Magaalada Muqdisho sanadkii 2016, hadana haddii kuwa Jubbaland iyo Puntland xilligan lagu doorto Magaalada Muqdisho, ay wiiqeyso ujeedada doorashada.

“Xildhibaannada Somaliland ayaa Xamar lagu doortay 2016. Doorashada ayay macnaha ka dileysaa, haddii la yiraahdo Puntland iyo Jubaland iyagana Muqdisho ha lagu doorto 2020.” Ayuu yiri Yuusuf Garaad Cumar.

Yuusuf Garaad ayaa Dowladda Federaalka kula taliyay in ay la timaado barnaamij suurtagelin kara in Xildhibaanada Puntland iyo Jubbaland lagu soo doorto Magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo.

“Dowladdu hala timaaddo hab saamaxaya in doorasho lagu qabto ugu yaraan Garowe iyo ismaayo.” Ayuu yiri Yuusuf Garaad oo warkan ku sheegay qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitter-ka.

Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada qaarkood ayaa isku maandhaafsan nooca ay tahay doorashada lagu wado inay dalka ka qabsoomto 2020/2021.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa horaantii bishan ka horyimid in doorasho aan nooceeda lagu heshiin, ay Dowladda Federaalka ka qabato dalka.

40750cookie-checkYuusuf Garaad: “Doorashada ayay macnaha ka dileysaa haddii la yiraahdo Puntland iyo Jubaland Muqdisho halagu doorto“