Maxaa Ka Hortaagan Maamulka Fashilmay ee Puntland iney Xakameeyaan Cabashada Ciidamada…

Security Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa cabasho iyo gadood joogto noqday oo ay ku dhaqaaqaan Xoogaga Amaanka ee Maamulka Puntland kuwaasoo ka gadoodsan Mushahaar iyo Gunno la’aan joogto noqotay, iyadoo laga soo bilaabo Sanadkii 2017-kii ilaa Dhamaadka Sanadkaan (2024), waxey xirtaan Wadooyinka taasoo caqabad ku ah isku socodka Dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga…

Dhacdooyinka xusida mudan waxaa ka mid ah February 2017, Ciidamo ayaa la wareegay xarunta baarlamaanka ee Garoowe, Maarso 2018 Ciidamada ayaa xiray waddooyin waaweyn oo ay ka mid tahay wadooyinka isku xirta Gaalacyo, Garoowe iyo Boosaaso, iyagoo dalbanaya Baad ay mushaar ka dhigtaan, June 2019-kii Ciidamada magaalada Boosaaso ayaa xiray waddooyin muhiim ah sababo la xiriira mushaaraadka. February 2020 Gaadiidkii Ganacsiga ee waddooyinka waaweyn ayaa la hakiyay gadoodka askarta awgeed, May 2021 Iska hor imaad kale ayaa ka dhacay agagaarka Garoowe, taasoo keentay in waddooyinka waaweyn la xiro. Noofambar 2022, Ciidamadu waxay mar kale khalkhal geliyeen waddooyinka saadka sababo la xiriira mushahar la’aan. Maajo iyo Agoosto 2023, Laba gadood oo kala duwan ayaa sababay xiro Wadooyinka muhiim ah, Maarso 2024 Mudaaharaadyada iyo xanibaadaha ayaa sii socday, taasoo sii kordhinaysa xiisadda.

Hogaanka Maamulka Puntland oo ka gaabiyay inuu wax ka qabto Cabashada & Jid-gooyada Ciidamada ee joogtada noqotay, ayaa alifay iney Dhibaatada Taagan ku hilmaamsiiyaan Shacbiga & Ciidamada si ay gooni-isu-taag u raadiso iyo Lacag cusub si loo dhaco Dhaqaalaha Shacbiga, Fikrada madax-banaanidu waxay u muuqataa mid lagu hilmaamsiinaayo Boobka iyo Dhaca Hantida Shacbiga iyo xuquuqda Ciidamada.

354260cookie-checkMaxaa Ka Hortaagan Maamulka Fashilmay ee Puntland iney Xakameeyaan Cabashada Ciidamada…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com