Bayaan ay Soo Wada Saareen Mas’uuluyiin hore Oo ka Digay Muddo Kordhinta 2-da Aqalka & Madaxweynaha

Somalia news

Qoraal ay si wadajir u soo saareen Madaxweynihii hore Shariif, Ra’iisul Wasaarayaashi hore, Xasan Kheyre, Cumar C/rashiid, C/weli Gaas, Guddoomiyihii hore Baarlmaanka Shariif Xasan iyo C/qaadir Cosoble ayaa waxay ka digeen muddo kordhinta ay wadaan Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka…

Bayaanka ayaa lagu sheegay in aanay jirin baahi hadda taagan oo loo qabo in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka oo ujeedadiisa tahay muddo kordhin, waxaana ay ugu baaqeen Madaxweyne Xasan Sheekh uu arrintan xagal daacinta ah uu dalka iyo dadka ka badbaadiyo, maadaama uu yahay ilaaliyaha iyo Horumariyaha Mabaadiida aasaasiga ah ee Dastuurka.

“Dalka iyo dadka Soomaaliyeed midna dan ugama jirto mana xamili karaan dhibka ka dhasha muddo kororsi sharci darro ah., Waxaa hubaal ah in dawlad dhiska dalka uu dib u dhac wayn ku imaan doono haddii aan laga fiirsan tallaabadan aan toosnayn.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay masuuliyiinta uu hoggaaminayo Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.

245550cookie-checkBayaan ay Soo Wada Saareen Mas’uuluyiin hore Oo ka Digay Muddo Kordhinta 2-da Aqalka & Madaxweynaha