Maxaa Ka Jira In Qandaraasyo Lagu Bixiyay Magac-Dilka Rooble

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Farmaajaha Fashilmay uu qandaraas dhaqaale badan ku baxaaya ku siiyay Qorqor, Warbaahino gaar ah iyo xubno kale oo ka soo jeeda degaanada Galmudug iyo Magaalada Mogadishu sidii loo magac dili lahaa Wasiirka 1-aad iyo xubno taageersan…

Qorshahaan oo ah mid Qor-qor uu u soo dhiibay Farmaajo, ayaa yimid kadib markii uu RW Rooble ka diiday waan waan iyo dhexdhexaadin, xalka uu raadinayo ee ku aaddan, in la dhameeyo khilaafka Labada Nin, waxaana Qorshaha wajigiisa hore uu ahaa in xiisada la qaboojiyo uu u wakiishay Qorqor, kadibna Farmaajo u sheegay inuu fashilmay qorshihii xalka lagu doonayey, ee danta gaarka ah laga lahaa.

Wararka ayaa sheegay in Warbaahinada dhaqaalahaasi la siiyey ee aan xogtooda helnay, waxaa ka mid ah Taleefashinada Radio Shabelle iyo Somali Cable, kuwaasoo loo qeybiyay dhaqaale dhan 30-kun US$ ku qaatay sumcad dilka Rooble iyo sare u qaadida meeqaamka Farmaajo iyo Qoor-qoor, iyagoo dadka u tusaya, wadaniyiin u turaya marlaxadda uu dalku ku jiro.

Wasiirka 1-aad ayaa go’aan rasmi ah ka qaatay, waan waanta uu wado Qoor-qoor iyo kooxo kale, wuxuu si cad ugu sheegtay iney Maxkamada ku kala bixi doonaan, mana oggola inuu caddaadiska ka dabciyo Farmaajo, taasoo haddii ay dhacdo keeneysa inuu gorgortan ka galo Mas’uuliyada dastuuriga ah.

160080cookie-checkMaxaa Ka Jira In Qandaraasyo Lagu Bixiyay Magac-Dilka Rooble