Guddiga Wasiirada Ee Loo Xil Saaray Baarista Isku daygii Afgambi Oo Howshooda Ku guda jira

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Guddigii Wasiirada ahaa ee loo xil saaray baarista isku daygii Afgambi ee uu soo abaabulay Farmaajo 27-kii December 2021-kii, ayaa si rasmi ah u guda galay Howsha loo igmaday ee Baarista, waxeyna la kulmeen Saraakiisha Ciidamada…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Guddigaan Oo Kulankoodii 3-aad yeeshay ayaa wareysiyo la yeeshay Saraakiisha Ciidamada Madaxtooyada kuwii Heeganka ku jira Subaxdii falka dhacay ee Ciidamadii la dul dhigay Xafiisyada iyo Guriga Wasiirka 1-aad, waxaana la sheegay in Saraakiisha iyo Ciidamada ay ka warbixiyeen Sida ay wax u dhaceen iyo Saraakiishii howlgalada fulinaayat magacyadooda.

Guddigaan ayaa muddo todobaad ah loo qabtay inuu ku soo gebogabeeyo Baarista Kiiskaan waxaana la filayaa iney soo bandhigaan Talooyin ku aadan Sida ay wax u dhaceen Saraakiisha iyo Ciidamada Fuliyay iyo Cidda bixisay in la qabto Xafiisyada iyo hoyga Wasiirka 1-aad.

160110cookie-checkGuddiga Wasiirada Ee Loo Xil Saaray Baarista Isku daygii Afgambi Oo Howshooda Ku guda jira