Macluumaad hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya in Mr.Farmaajo iyo Adeege Fahad Yasin ay qorsheynayaan sidii loo weerari lahaa Madaxweynihii hore ee Somalia…
Xogtaan ayaa si hoose ugu sheegtay Diinah.com in la diyaariyay qorshe gurcan oo la doonaayo in lagu weeraro Guriga iyo dhismaha cusub ee Madaxweynihii hore Mr.Cali Mahdi Maxamed, iyadoo la adeegsanaayo shaqsiyaad ka soo jeeda Beesha Mudulood oo Dhaqaale yar lagu siiyay sidii ay u fulin lahaayeen qorshahaani.
Wararka ayaa intaasi raacinaaya Wasiirka Amniga uu ku gacan seyray fulinta qorshahaani, wuxuuna uga digay in dhibaato ka weyn ay ka dhalan karto Weerarka Hoyga iyo Goobaha Ganacsiga ee Madaxweynihii hore, iyadoo falkaasi uu horseedi doona dagaalo sokeeye iyo burbur degdeg ah oo ku yimaada Nidaamka jilicsan ee ka arrimada Villa Somalia.
Maamulka Fashilmay ee Farmaajo ayaa xasaasiyad xoogan ka qaaday khudbadii uu dhowaan ka jeediyay Kulankii Beesha Mudulood Mr.Cali Mahdi, wuxuuna xiligaasi wixii ka dambeeyay ku amray Adeege Fahad inuu soo diyaariyo qorshe lagu soo xiraayo Madaxweyne Cali Mahdi, iyadoo la kaashanaayo shaqsiyaad dhuuni qaatayaal ah oo Beesha ka soo jeeda oo xilal iyo Dhaqaale loo balanqaaday.
Aqoonyahannada ku xeel dheer Arrimaha amniga iyo Nabadgeliyada ayaa ka digay ku tumashada Dastuurka iyo Sharciyada Dalka ee Maamulka Villa Somalia, waxeyna ugu baaqeen inuu ka qaado cunaqabateynta iyo Isbaarooyinka sharci darrada ah ee muddo 3-sano ah lagu Shacbiga Magaalada Muqdisho.