Ciidamo Beeleedyo Laga Soo Daabulay Dhuusa mareeb

Politics

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya Ciidamo Beeleedyo dhowaan gurmad ahaan ugu yimid dagaalkii Dhuusa mareeb isla markaasna ka qeyb qaatay, ayaa loo soo daabulay Magaalada Muqdisho…

Xogtaan ayaa Diinah.com u tilmaamtay in Ciidamadaan oo tiradadoodu lagu qiyaasay ilaa 100 Maleeshiyo kana soo kala jeeda Degaanada Cabud waaq, Balanbale iyo Cadaado ayaa ah kuwa loo soo qaaday tababaro si loogu xoojiyo Ciidamada ka howlgala Magaalada Muqdisho.

Hey’adda NISA ayaa la sheegay iney abaabushay soo qaadista Maleeshiyaadkaan,waxaana dhaqaalaha ku baxaya bixiyay Dalka Qatar,iyadoo ay tababarada ay bixin doonaan Saraakiil ka tirsan kuwa Turkey.

Maamulka Villa Somalia ayaa ka dhisay degaanka Galmudug maamul “Madiidin u ah” uuna horjeege u yahay Mr.Qorqor, waxeyna wadaan dadaalo ay ku adkeynayaan sidii loogu qasbi lahaa Dadka degaanka halka Siyaasiyiinta,Odayaasha iyo Xildhibaanada ay Dhaqaale dhaafsadeen taageerida Maamulka.

Waxaana dhaliilo xoogan loo jeediyay dalalka Turkey iyo Qatar iyagoo dhiiri geliya kana qeyb qaata sidii loo caburin lahaa Bulshada ku nool Degaanada Galmudug iyo Guud ahaa Gobolada Somalia.

23990cookie-checkCiidamo Beeleedyo Laga Soo Daabulay Dhuusa mareeb