Maxaa Ka Jira In Xildhibaanada Somali/Kenya..

Politics

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya koox Siyaasiyiin iyo Xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Kenya oo safar qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho, iyadoo loo balanqaaday Dhaqaale…

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Xildhibaanada oo la kulmay Mr.Farmaajo, Adeege Fahad Yasin iyo saraakiil ka tirsan sirdoonka Qatar ayaa loo balan qaaday Dhaqaale dhan $2 Milyan oo doollar haddii ku cadaadiyaan Maamulka Uhuruu inay magaalada Mandhera ka eriso Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashid Janan iyo Xoogaga hubeysan ee ka tirsan Dowlad goboleedka Jubbaland.

Xildhibaanada Kenya aya durba bilaabay in ay qabtaan war saxaafadeed ay kaga dalbanayaan in Cabdirashid Janan uu degdeg uga baxo magaalada Mandhera iyagoo fulinaaya ballantii ay soo qaadeen si ay u helaan lacagaha loo balan qaaday.

Dhanka kale, Afhayeenka Baarlamaanka Kenya Justin Muturi ayaa sheegay in xildhibaanadaas aan wax ciqaab ah la marin doonin.

Muturi ayaa sheegay in inkasta oo xildhibaanada ay jebiyeen qodobka 260 ee xeerka baarlamanka, oo dhigaya inay safarada dibedda kusoo war-geliyaan guddoonka, haddana uusan jirin sharci dhigaya in la ciqaabo.

20190cookie-checkMaxaa Ka Jira In Xildhibaanada Somali/Kenya..