Eedeysane Xaaskiisa Ku Dilay Magaalada Hargeysa & Qabashadiisa..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Ciidamada Boliiska degaanka ay ku guuleysteen iney soo qabtaan Eedeysane midi ku dilay Xaaskiisii habeen hore abaarihii 10:00 habeeno Xaafada Shacabka ee magaalada Hargaysa…

Wararka ayaa sheegay in Eedeysanahaan oo ka soo jeeda Dalka Yemen laguna magacaabo Jamaal Daha Cabdiraxmaan ina Sarco Axmed oo 54 jir ah, ku eedaysan inuu ku dilay guri ku yaal xaafadda Shacabka ee magaalada Hargaysa Marxuumad Sumaya Siciid Naasir oo ahayd Afadiisa wuxuuna dilka u adeegsaday middi.

Baarayaasha Kiiskaan ilaa hadda faahfaahin kama bixin sababta dilka ku riixday Eedeysanaha, inkastoo ay sheegeen in Baaristan Dilkaan ay gacanta ku hayaan Qeybta Baarista Dembiyada (CID), isla markaasna marka la soo gunaanado Baarista loo gudbin doono Maxkamada Awooda u leh qaadista Dilkaan.

304990cookie-checkEedeysane Xaaskiisa Ku Dilay Magaalada Hargeysa & Qabashadiisa..