Share the post "Maxaa Ka Run ah Dhalinyarada Laga Tahriibinaayo Degaanada Puntland Xageese loo Wadaa.."
Warbixin welwel xambaarsan ayaa daaha ka rogeysa in bilihii ugu dambeeyay ay aad u kordheen Dhalinyarada laga tahriibinaayo Degaanada Puntland kuwaasoo la sheegay in Transit ahaan loo marsiiyo Dalalka Galbeedka Africa kadibna la geeyo Dalalka Latine America halkaasoo ku xayirmaan..
Wararka ayaa sheegaya in kooxo Muqalisiin ah ayaa Dhalinyaradii gobolada Puntland u samaynaya sharciyo iyo Dukumentiyada dhoofka oo been abuur ah kadibna geynaya galbeedka Africa si ay dhaqaale uga qaadaan, waxaan la sheegay in Maamulka garoonka iyo Laamaha Amaanka u fududeeyaan sidii ay uga dhoofi lahaayeen Dhalinyaradaan oo qaarkood la sheegay iney ku xayiran yihiin Garoonka Diyaaradaha magaalada Addis abeba.
Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Garoowe, ayaa sheegay in muddooyinkii dambe ay korortay tirada dhalinyarada naftooda ku halliga mashruuca tahriibka ayna jiraan dad ka qaada degasnadaasi si ay dhaqaale uga sameeyaan.