Wakiilada Beesha Caalamka Oo ka Biyo Diiday qaar ka mid ah Qorshaha Doorashada Puntland

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa kulankii maalin ka hor magaalada Garoowe ku dhexmaray Maamulka Dani ee Puntland iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Mogadishu, iyadoo Kulankaan uu ku soo beegmay xili ay qeylo dhaan ka soo saareen Hanaanka doorashada….

Wararka ayaa sheegay in Xubnaha Beesha Caalamku ay diidma ka muujiyeen qodoba ku jira barnaamijka Doorashooyinka Qof iyo Cod ee uu wado Madaxweyne Dani isla markaasna aan wada tashi laga gelin Xisbiyada Mucaaradka iyo Siyaasiyiinta degaanka kuwaasoo u horey u diiday Qorshaha Deni.

Xogtaan ayaa intaasi raacisay in Xubnaha Beesha Caalamka ayaa Mas’uuliyiinta Puntland ku wargeliyay in aysan aqoonsanayn degmooyinka ay Puntland samaysay ee aan buuxin shuruudaha Degmanimo isla markaasna aan laga talo gelin Dowlada Federaalka, Wakiilada ayaa cadeeyay in aysan taageeri doonin doorashooyin laga qabanayo degaano aan buuxin shuruudaha degmanimo.

Sidoo kale waxay ka horyimaadeen qorshaha Maamulka Dani ku raadinayso in Doorashooyinka Qof iyo Cod laga qabto degaano ka tirsan Gobolka Sool oo sida xubnaha Beesha Caalamku sheegeen ay ka jiraan muranno siyaasadeed, waxeyna ku booriyeen Madaxda in doorashooyinkaan noqdaan kuwa loo dhan yahay islamarkaana dhammaan dhinacyadu heshiis ku yihiin.

219860cookie-checkWakiilada Beesha Caalamka Oo ka Biyo Diiday qaar ka mid ah Qorshaha Doorashada Puntland
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com