Maxaa Ka Run ah Khilaaf u Dhaxeeyo Hogaanada Maamulka & Baarlamaanka Jubbaland..

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Madaxweyne Axmed Madoobe iyo mid ka mid ah Gudoonka Baarlamaanka Jubbaland, xudguftaan ayaa salka ku heysa dib u furista wax ka bedelka Dastuurka oo Mr.Madoobe aad u daneynaayo in loo fududeeyo…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Gudoomiye Kuxigeenka 1-aad ee  Baarlamaanka Jubbaland Aadan Khaliif Yuusuf uu ka horyimid damaca uu ku doonaayo (Axmed Madoobe) in la furo ka doodista Dastuurka Maamulkaasi, kadibna wax laga bedalo, sida ay ugu fududaato Mr.Madoobe inuu sii heysto Hogaanka Maamulka.

Qoraal uu soo saaray Mr.Aadan Khaliif ayuu ku sheegay in Dastuurka Jubbaland uu dhigayo in Hogaamiyaha Maamulka uusan tartami karin muddo ka badan inta uu ogol Dastuurka, Axmed Madoobe-na uu dhameystay muddadii uu ogolaan sharciga, Talabaadaani ayaa aad uga carrysiisay Axmed Madoobe iyo Taageersyaashisa.

Waxeyna bilaabeen Abaabul xilka looga qaadaayo Gudoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Jubbaland, xuuraano ayaa xaqiijinaaya in Axmed Madoobe oo Kulamo la qaatay Tiro badan oo Xildhibaano ah uu culeys ku saaray iney Mooshin ka keenaan kadibna codka kalsoonida kala noqdaan Xildhibaanada, ku darsoo Xoogaga Amaanka ayaa adkeeyay Amaanka Magaalada.

Mr.Madoobe oo soo maamulaayay Maamulka Jubbaland laga soo bilaabo sanadkii 2013- isla markaasna ka dhigay Maamulka wax uu isaga iska leeyahay una diiday iney Beelaha kale dib ugu soo laabtaan guryahooda Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada awood u adeegsada kana soo musaafuriya magaalada Kismaayo.

333890cookie-checkMaxaa Ka Run ah Khilaaf u Dhaxeeyo Hogaanada Maamulka & Baarlamaanka Jubbaland..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *