Ma Dhabaa in Shaqaalihii Madaxtooyada ee Maamulkii Farmaajo Shaqada laga Joojiyay

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Maamulka Xasan Sheekh ayaa soo gunaanaday baaris dheer oo adag salkana ku heysa dib u eegis, hubin Amni, qaabeyn lagu sameeyay shaqaalihii iyo qaab dhismeedka Madaxtooyada ka howlgalaayay…

Xogtaan ayaa warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Maamulka Xasan Sheekh ay kala wareegay Maamulkii Farmaajo ku dhowaad 600-Shaqaale tiradaan oo 2-jibaar ka badan inta Madaxtooyada looga baahan yahay kuwaasoo qaarkood la sheegay iney ku noolaayeen dalka Dibadiisa isla markaasna qaadan jiray Kumanaan US$, Howladeenada Villa Somalia ayaa soo jeediyay talooyinka hoos ku xusan.

-Qeybaha Madaxtooyada oo ahaa 14-Waaxood lagu soo koobay 8-Waaxood.

-Agaasimayaasha qeybaha Madaxtooyada ayaa lagu amray iney tirakood sax soo gudbiyaan Shaqaalaha Madaxtooyada ku qoran ee dibeda ku maqan iyo kuwa aan soo shaqo tegin.

-Madaxtooyada ayaa u wareejisay Wasaarada Shaqada & Guddiga shaqaalaha kuwii laga maarmay si Xafiisyo kale loogu howlgeliyo

-Liiskaan ayaa waxaa ka mid ah xubno badan oo aad ugu dhowaa Farmaajo iyo Fahad kuwaasoo lagu eedeeyay iney diideen iney maraan Nidaamka hubinta Amniga.

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in dib u habeyn lagu sameeyay hanaanka Mushaar bixinta Madaxtooyada, iyadoo sidoo kale lagu wado in dib u habeyn lagu sameeyo ilaa 4000 oo Shaqaale ah oo Maamulkii Farmaajo qoray kuwaasoo dhamaantood ahaa shaqaale KMG ah qaarkood loo qoray gunooyin u dhaxeeya 2-6-Kun US$.

231980cookie-checkMa Dhabaa in Shaqaalihii Madaxtooyada ee Maamulkii Farmaajo Shaqada laga Joojiyay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com