Maxaa Ka Soo Baxay Kulankii Kismaayo

Politics

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya kulamo qarsoodi ah oo Magaalada Kismaayo ku Yeesheen Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland iyo Agaasimaha NISA….

Xogtaan ayaa u tilmaamtay in Kulankaan looga dooday sidii looga Heshiin lahaa Khilaafka shaqsiga noqday ee u dhaxeeya Mr.Farmaajo iyo Sheekh Axmed Madoobe oo dhowaan la heshiiyay Mucaaradkii ka soo horjeeday, Kulanka ayaa looga dooday qodobadaan:-

-In Gobolka Gedo laga Jaro Maamul goboleedka Jubbaland.

-Mr.Farmaajo uu oggol yahay Doorashada Mr.Axmed Madoobe balse la bedlo xubnaha Beesha Mareexaan ee Ku jira Dowlad goboleedka kuwo kale uu keensado.

-In Taageero Dhaqaale ay Villa Somalia ku bixineyso hirgelinta Heshiiskaan iyadoo ay damaanad Dhaqaale ay wada qaadayaan Turkiga iyo Qatar.

-In lagu soo wareejiyo Wasiir Janan Dowlada Federaalka iyo Maleeshiyaadka Beesha Mareexaan ee Jubbaland.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu ku gacan seyray dhamaan Qodobada Loo Soo bandhigay wuxuuna sheegay inuu la heshiiyay mucaaradkii ka soo horjeeday, isagoo ugu baaqay Maamulka Fashilmay ee Villa Somalia inuu joojiyo hurinta colaadeed iyo abaabulka dagaal beeleedka uu ka wado Gobolka Gedo.

33720cookie-checkMaxaa Ka Soo Baxay Kulankii Kismaayo