Sidee Looga Soo Kaban karaa Baaxda Dhibaatada Dhaqaale & Hanti ee ay Kooxda Argagixisadu u Geysanayaan Kabayaasha

Somalia news

Inkastoo aysan jirin meel u fiyow naafeynta kaabayaasha dhaqaalaha Shacbiga, kooxda argagixisada Shababka oo aysan waxyeeleyn, hadana waxaa martaaqi ma doonto ah kooxdani naf la caariga ah ay xooga saareyso iney cabsi geliso Kacdoonka Dadweynaha oo hubka u qaatay sidii heryada iyo dhibaatada la isaga dul qaadi lahaa…

Yool-baarada (Bartilmaameedyada) qaarkood waxaa ku laran Ujeedo Militeri sida burburinta Buundooyinka, danta ugu weyna oo ay ka leeyihiin ay tahay in la naafeeyo Dadka, Dowladinimada iyo Dalka, weerarna lagu qaado meel kasta oo laga damqanaayo, waxaana tusaale nooga filan Burburkii loo geteystay Qeyb ka mid ah Buundada Degmada Buulo burte oo isku xirta Caasimada, Gobolada Dhexe iyo kuwo kale.

Manaxayaashani ayaa horey ugu caan baxay burburinta Ceelasha, Guryaha, Goobo Caafimaad, Garoomo diyaaradeed, Taawarada Isgaarsiinta iyo Niyad jebinta Shacbiga, Talaabooyinkaan gurcan ayaa imaanaya xili la la daala-dhacaayay dayac iyo gabow dilooday Kaabayaashaan, intaasoo ay u sii dheer tahay inuusan Dalka heysan Buundooyin iyo Wadooyin oo dabooli kara 20% baahida loo qabo.

Waxaa cabsi ka taagan tahay in Kaabe kasta oo ay kooxda argagixisadu burburiyaan wuxuu halis ugu jiraa inaan dib loo dhisan inkastoo Buundadii Buula burte dib u dayactir lagu bilaabay, marka Dagaalka kooxdaan looga soo horjeedo uu dhamaado lagana guuleysto.

Waxaa la bilaabi karaa tirakoobyada loo baahan yahay in lagu ogaado lana qiimeeyo baaxada inta ay la eg tahay dhibaatada dhaqaalaha iyo Hantida ay galafanayaan si markaas loo qiyaaso wakhtiga looga soo kaban karo, balse waxaa adag in Niyad jabka Shacbiga laga soo kabto muddo dhow.

220030cookie-checkSidee Looga Soo Kaban karaa Baaxda Dhibaatada Dhaqaale & Hanti ee ay Kooxda Argagixisadu u Geysanayaan Kabayaasha

2 thoughts on “Sidee Looga Soo Kaban karaa Baaxda Dhibaatada Dhaqaale & Hanti ee ay Kooxda Argagixisadu u Geysanayaan Kabayaasha

  1. Waa maqaal nuxur leh oo Dadka iyo Dalkaba u ifinaaya dhibaatada Shacbiga heysta 16-sano iyo ka badan, waana in Meel looga soo wada jeestaa Dowladana ay cagajugleynta Shacbiga deg deg u joojisaa

  2. Runtii waa qoraal dhab ka hadal ah kana turjumaaya marxalada taagan, waana in meel lioga soo wada jeestaa

Comments are closed.