Share the post "Maxaa Sababay Dib u Gurashada & Hakinta Howlgaladii Xoogaga Puntland ee Dhanka ka aheyd Kooxda Daacishta.."
Warbixin welwel xambaarsan ayaa daaha ka rogeysa in Maamulka Deni ee Puntland uu ku amray iney dib uga soo gurtaan Xoogaga Amaanka ee Howlgalada ka waday Dhulka Buralayda ee Cal-miskaad dhanka ka aheyd Maleeshiyaadka kooxda Daacishta kaasoo muddo 3-bilood ah socday..
Xuuraanada loo qaateenka ah ayaa xaqiijinaana in Mr.Deni uu ku amray in Ciidamada ay dib u ugu soo noqdaan Degaanka Dasaan oo muddo 2-bilood ka hor laga saaray Maleeshiyaadka kooxda Daacishta, talabaan ay u muuqta mid jab ku keentay Xoogaga Beesha Warsangeli kuwaasoo Gadiidkii iyo Ciidamadii ka saaray Aaga Cal-miskaad, waxeyna ku eedeeyen Mr.Denii inuusan daacad ka aheyn dagaalka lagula jiro Kooxda Argagixisada.
Ku darsoo Ilo wareedyo Amaan ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in firxadka Daacish oo gabaadsanaya Dadka reer guuraaga ah ay soo gaareen Degaano kulaala Ceelasha biyaha ee Il iyo Dhabana-caddo, Gacan Cad, Shilalay, Suradka, Aroorka Daylaan oo dhamaan ka agdhaw Ceelasha Dhaban-caddo iyo Il ayaa la xaqiijiyay iney yihiin goobaha ay ka dheceen duqaymihii ugu dambeeyay.