Maxaa Sabab u ah Kororka Kooxaha Argagixisada Ee Qaarada Africa

Africa News Somalia news

Qaraada Africa sanadihii ugu dambeeyay waxaa aad ugu soo kordhaayay khataraha kooxaha argagixisada, kuwaasoo noqday kuwo aad ugu faafa, iyadoo ay kordhayaan tirada kooxaha cusub isla markaasna abuuraya fowdooyin xambaarsan hanjabaado dilal gaarsiisan iyo burbur hantiyeed…

Dalalka Africa oo markoodii hore la tacaalayay Maamul xumida Hogaanada Dowladaha, Boobka dhaqaalaha, Afgambiyada Saraakiisha Junior-ka ah ee Ciidamada iyo Abaabraha ayaa waxaa ku soo biiray Kororka Kooxaha argagixisada dhibaato ba’an ku haya Dhalinyarada, waxeyna u xuubsiibanayaan dhiiri gelinta gooni goosidka iyo Dembiyada abaabulan.

Khabiir ku takhasusay arrimaha kooxaha argagixisada ayaa hoosta ka xariiqay ” Aragagixisadu ay abuureyso xasilooni iyo Amni darro baahsan, iyagoo Dhalinyarada shaqa la’aanta dilootay ugu baaqaya iney xaqooda xoog ku soo dhacsadaan talabooyinkaan ayaa horseedaya amni darro, dilal iyo kala qeybsanaan.

Waxaana looga fadhiyaa Dowladaha Africa iney la yimaadaan Barnaamij istraatejitadeed oo dhan ka ah Kooxaha Argagixisada ku saleysan hab caalami ah iyo mid goboleed oo isku dhafan si loo la tacaalo aafadaan dhibka ku heysa Dhaqaalaha, Dhaqanka bulshada iyo Diinta, waxaana loo baahan yahay in la helo agabka loo baahan yahay si loo soo af jaro kharataha kooxaha Argagixisada.

191470cookie-checkMaxaa Sabab u ah Kororka Kooxaha Argagixisada Ee Qaarada Africa
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com