Maxaa Sababay In Somalia Weli Soo Galaan Qaadka Iyo Khamriga

Health

Kadib markii Maamulka Dowlada Federaalka ay soo saareen in xayiraad lagu soo rogay dhaqdhaqaaqa Dadka, Gadiidka Cirka Iyo Dhulka, si loo xakameeyo Cudurka Coronavirus, ayaa waxaa soo if-baxaaya in si joogto ah ay xuduuda uga soo gudbaan Qaad iyo Khamri badan….

Xuuraan la soo gaarsiiyay Diinah.com ayaa sheegaya in Qaadka Miirowga ahlaga Soo rato Magaalada Mombasa, isla markaasna uu ka soo dego xeebaha Magaalooyinka Marka iyo Muqdisho ayna ku lug leeyihiin Saraakiil Sare oo ka tirsan Maamulka Farmaajo kuwaasoo macaash badan ka hela maalin kasta, Laguna qeybiyo guryahooda.

Dhanka kale, Waxaa la sheegay in Magaalooyinka B/Weyne, Dhuusa mareeb, Gaalkacyo,Garoowe iyo Boosaaso iyagana la keenaa Qaadka (Hareeriga) Ethiopia iyo Khamri aad u tiro badan oo kontorobaan ah, waxaana Hey’addaha amaanka ku adkaatay iney hakiyaan maandooriyayaasha Dhibaatada ba’an ku haya Caafimaadka Dadka iyo Dhaqaalaha Dalka.

Inkastoo ay Saraakiisha Amaanka ee Magaalooyinka kor ku xusan ay soo bandhigeen (Show) qaad la gubaayo, Weli si xowli ah ayuu ku soo gelayaa Degaanada Dalka oo dhan, waxaana la sheegay in Saraakiisha Amaanka iyo Ciidamada ay ka caga jiidayaan iney ka hortagaan Dadka ku iibinaaya Gudaha Magaalooyinka Khamriga iyo Qaadka talaabana ka qaadaan.

Cudurka Covid-19 ayaa ah mid saf-mar ah oo lagu kala qaado neefasahada, Qufaca, Taabashada dadka iyo alaabta, iyadoo Virusku si fudud ku faafo, kuna noolaado meelaha qaarkood muddo 1-5 maalmood, qaadkana waxaa soo gura beeraley nadaafadooda ay hooseyso islamarkaana soo mara Ganacsato jawaano lagu rido oo gacamo kala duwan ay soo taabtaan, kaasoo marka ugu dambeeya ku dhamaada afka qofka cunaaya.

Sida Wacyi gelinta WHO ay fasaxday lagu sheegay, Waa in Gacmaha la dhaqaa, halka Bacaha lagu tilmaamay iney yihiin qeybo ka mid waxyaabaha faafiya Cudurka Coronavirus.

26200cookie-checkMaxaa Sababay In Somalia Weli Soo Galaan Qaadka Iyo Khamriga