Khilaaf Halis Ku Ah La-Dagaalanka Covid-19 Oo Dowlada Hareeyay

Health

Muran Xoogan iyo Khilaaf ayaa muuqanaaya inuu ka taagan yahay goob loo qorsheeyay in lagu karantiilo Bukaanada ( Askar) lagu tuhunsan yahay Cudurka Coronavirus, oo lagu soo tababaray dalalka Sacuudiga iyo Jabuuti kuwaasoo ku soo fool leh Magaalada Muqdisho dhowaan…

Goobta uu muranka ka taagan yahay ayaa ah Garoonka Stadium Mogadishu oo dayactir iyo Dib u habeyn ku socoto, waxaana qorshahaasi si adag uga soo horjeesatay Wasiirada Ciyyaaraha, iyadoo maalintii Shalay ay kormeer ku tageen Mas’uuliyiin iyo shaqaale doonayay iney ka bilaabaan howlo nadaafadeed iyo qalab dhigid.

Wasiirada Ciyaaraha ayaa barteeda Bulshada ku muujisay “Diidmo aad u xoogan” oo qorshahaasi ku aadan, waxeyna u sheegtay guddiga ka hortagga Cudurka Coronavirus “ aad bey idiinka qaldan tahay inaad soo dejisaan Garoonka oo shaqo xoogan ka socoto Bukaano ee isku noqda” waana xadgudub in la joojiyo shaqooyin dhamaad ah.

“Tan 2-aad Boqolaal Ciidamo Boliis ah ayaa ilaaliya, sidoo kale Boqolaal dhalinyaro ah ka qeyb qaata dayactirka Garoonka, Sidoo kale Ajaanib farsamo yaqaano ah ayaa ka qeyb qaadanaaya, marka ma noqon karto in Howlihii dhamaadka ku dhowaa in faraha laga qaado lagana dhigo goob bukaanada lagu karantiilo.

Xogo la soo gaarsiiyay Diinah.com ayaa sheegaya in In Ciidamada laga keenayo Sacuudiga iyo Jabuuti ay tiradoodu dhan tahay 500, iyadoo 200 oo ka mid ah ay xiligaan ku xayiran yihiin Jabuuti, halka 300 laga soo celin doono Dalka Sacuudiga.

Khilaafkaan ka dhex oogan Maamulka Villa Somalia ayaa halis ku noqon kara la tacaalida dagaalka cabuqa safmareenka ah ee covid-19, maadama hadii aan xal deg deg ah laga gaarin ay horseedi karaan dhibaato ka weyn muranka taagan.

26120cookie-checkKhilaaf Halis Ku Ah La-Dagaalanka Covid-19 Oo Dowlada Hareeyay