Maxaa Xal Loogu La’yahay Musuqmaasuq iyo Dilalka

Politics

Dalka Somalia Oo Sanadihii ugu dambeeyay waxey marti gelisay Dhiig daadinta Guud ahaan Shacbiga Soomaaliyeed iyo Gaar ahaan Mas’uuliyiinta Dowlada oo bartilmaameed Fudud u noqday Kooxda Shabaabka Oo Maalin cad ku dhiiradaan iney fuliyaan khaarijinta Shaqaalaha iyo Mas’uuliyiinta Dowlada…

Maxaa Wax Looga Qaban La’yahay Dilalka Qorsheysan:-
Qeybaha u qaabilsan Khaarijinta Kooxaha argagixisada ayaa ku guuleystay iney dilaan Duqii Muqdisho, Gudoomiyayaashii Nugaal iyo Mudug (Puntland), Xubnahaan ayaa noqday kuwii ugu dambeeyay ee ku baxa gacanta argagixisada, isweydiintu ma ahan Maxaa loo Dilay, Yaa Qarxiyay, Yaa ka dambeeyay, balse is-weydiintu ayaa ah Yaa ku xiga, hadii aan xal deg deg ah loo helin Mashaakilkaan daba dheeraaday ee Ku Soo koobay Dirada Tacsida iyo Cambareynta.

Dalka Somalia, waxaa Marqaati ma doonto ah, in aan xal loo helin Labada Cuddur ee la degay Nidaamka Dowliga ah, kuwaasoo kala ah:-
-La-Dagaalanka Argagixisada -Musuqmaasuqa iyo Nin jecleysiga

Garsoorka Dalka:-

Ayaan darra Somalia heysta ayaa ah in Hey’adda Garsoorka ee Dalka ayaa noqday suuq wax lagu kala iibsado, iyadoo Garsoorayaasha Maxkamadda Gobolka, Tan Rafcaanka iyo NISA Sare ay ka howlgalaan Garsoorayaal garab lagu keenay, waya-aranimo iyo aqoon durugsan aney u Howlaha Garsoorka, taasoo horseeday iney laga aamin baxo Oo garsoor Loo raadsado Kooxaha argagixisada.

Muqdisho waxey qarka u saaran tahay inay burburaan Nidaamka Dowladeed ee Garsoorka, iyadoo sababtu ay tagay habdhaqanka Madaxweynaha, oo si uusan ka fiirsan u magacaaba Xilalka Garsoorka Xubno isaga taageersano, wuxuuna diirada saaray Burburinta Nidaamka Federaaliga ah iyo Maamulada Dalka ka dhisan.

Garsoorka Maxkamadaha Ciidamada ayaa ka marneyn, Howlaha Musuqmaasuqa iyo xukunada dhinaca u badan oo Dhaqaalaha lagu qaato, waxeyna ridaan xukuno dilal xambaarsan Oo aan Sifo sharci ah loo marin, iyadoo aad arkeyso marnarka qaar in Go’aanada ay gaaraan looga soo minguuriyo Xafiisyo kale, Talaabadaan oo u muuqata in Cadaalad aysan ka jirin Maxkamadaha Ciidamada.

Hey’adaha Amniga oo loogu tala galay iney Xuuraan, dabagal, Baaris iyo unugyo aqoon u leh iney si hordhac ah Wararka iyo Xaalada amni uga keenaan Kooxaha Argagixisada, ayaa howlihii Loo igmaday gabay, waxaan warbixnadu tilmaamayaan in Kooxda Shabaabku ay ku dhex milmeen Hey’addaha Amniga, Haddii ahaan laheyd Boliiska, NISA, Asluubta iyo Ciidamada Xoogaga dalka.

Hogaanka NISA ayaa lagu eedeeyaa inuu xiriir toos ah la leeyahay Kooxda Shabaabka, waxaana marqaati ma doonto ah saameyntii uu ku lahaa fududeynta Siideynta Gabadhii Talyaaniga u dhalatay ee Caa’isha alias (Silica Romano), Waxaa kaloo la sheegay inuu Hey’adda u qoray Xubno badan oo Shabaabka ah.

36200cookie-checkMaxaa Xal Loogu La’yahay Musuqmaasuq iyo Dilalka