SOOMAALIDA JIGJIGA OO KA GILGILATAY XASUUQA MALEESHIYADA FANO U GEYSATAY DAD MUSLIMIIN AH

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jigjiga ee Maamulka Dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegaya in Soomaali badan ayaa xalay afurkii kadib si adag uga caroodeen xasuuqa bareer ah oo Maleeshiyaadka FANO u geysteen Amxaarada Muslimiinta ah…

Wararka ayaa sheegay in Dad gaaraya kun qof oo Soomaali ah ay xalay afurkii Kadib iskugu soo baxay Magaalada Jigjiga, iyagoo si adag u cambaaraynaya xasuuq kooxda hubeysan ee xagjirka Amxaarada FANO ugu geysteen Gondar Muslimiinta Amxaarada.

Ugu yaraan 40-Qof oo rayid ah ayay burcadda FANO ku laayaan Gondar, waxayna gubeen dhowr masaajid, Isu soo baxan dhiirranaantu ka muuqato wuxuu dhabarjab weyn ku yahay Maleeshiyaadka FANO oo hoggaankeedu xodxodanayay madaxda sarsare ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia. Maamulka Addis abeba ayaa xasuuqa Gondar ka dhacay ku tilmaantay “dhacdo”.

185720cookie-checkSOOMAALIDA JIGJIGA OO KA GILGILATAY XASUUQA MALEESHIYADA FANO U GEYSATAY DAD MUSLIMIIN AH
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com