Maxaa Xiligaan Keenay iney Ciidamada Ethiopia Dhaqdhaqaaqyo ka Bilaabaan Xuduuda Somalia..

Africa News Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa dhaqdhaqaaqyo u muuqda culeys saar ay ka bilaabeen Ciidamada Ethiopia Xuduudaha ay Somalia la leedahay, iyagoo ku xadgudbaaya Madaxbanaani dhuleed Somalia, talaabadaan oo u muuqata mid looga jawaabaayo diidmada Dowlada Federaalka aheyd ineysan ka mid noqon doonin Howlgalka cusub ee Ciidamada AU-da…

Waratka ayaa sheegaya in Maalintii Isniinti hore ay Ciidamo Ethiopian ah sharci darro ku soo galeen Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo, halka shalay (Jimco aheyd) lagu arkay Ciidamo kale oo Degmada Mataban ee Gobolka Hiiraan sida laga soo xigtay Saraakiisha Boliiska Degmada, iyagoo kulamo la yeeshay Odayaasha iyo Maamulka Degmada.

Dhaqdhaqaaqyadaan cusub ee Ciidamada Ethiopia ayaa jawaab u ah Dhawaaqyo ka soo yeeraayay Howlwadeenad dhanka Amniga ee Villa Somalia oo sheegeen ineysan Ciidamada Ethiopia aysan ka mid noqon doonin Howlgalka Cusub ee Ciidamada AU-da oo lagu wado iney horaanta sanadka lagu bedelo kuwii ATMIS, Somalia ayaa xiriirkii u jartay Ethiopia kadib heshiiskii ay la gashay Maamulka gooni goosadka Somaliland.

Ujeedka Maamulka Addis abeba ee xilligan dhaqdhaqaaqyadaan cusub Ciidamadooda ugu soo dirern degaanada Konfurta Dalka ayaa lagu fasiray inuu culeys ku saaro Dowladda Federaalka oo wada qorshe cusub oo Ciidamada AU-da looga saaraayo kuwa Ethiopia taasoo dhabar jab ku ah Hogaanka Abiy maxaa yeelay dhaqaale badan ayaa ka soo gaalayay Ciidamada ku howlgala Magaca AU-da.

332810cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay iney Ciidamada Ethiopia Dhaqdhaqaaqyo ka Bilaabaan Xuduuda Somalia..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *