Qeylo dhaan laga soo saaray Qabashada Dood-cilmiyeed Degaan Doorashada Puntland

Somalia news

Kadib markii uu dhawaan Wasiirkii hore ee Maaliyada Xasan Shire Eedeyn culus u soo jeediyay Madaxweynaha Puntland eedeyntaasi oo salka ku heysay iney isku fahmi waayeen qabashada degaan dooraahada12 degmo kaliyah, iyadoo uu sheegay in Dani uu ku adkeysatay in laga qabanayo doorasho qof iyo cod…

Xogo hordhac ah ayaa xaqiijinaaya in Maamulka Saciid Dani ee Puntland uu casumaad u fidiyay 18-da Bishan Oktobar Aqoonyahanno degaanka ah iyo Wakiilko ka socda Beesha Caalamka Dood cilmiyeed looga baarandagaayo Degaan doorashada iyo Qof iyo cod, 12-Degmo lagu qabto Doorashada Golayaasha degaanka lana soo saaro 3-Xisbi, iyadoo laga tagaayo Laba Gobol oo ka tirsan Puntland ( Sool iyo Sanaag).

Talaabadaan ayaa u muuqata mid xaqiijineysa eedeynta Wasiirkii hore ee Maaliyada, Kulankaan ayaa u muuqda mid taageero loogu raadinaayo Qorshaha Saciid Dani ee dib u Doorashadiisa, waxaana lagu wadaa iney lagu casumo Wasiiro ka tirsan Dowlada Federaalka iyo Maamulada Gobolada.

216410cookie-checkQeylo dhaan laga soo saaray Qabashada Dood-cilmiyeed Degaan Doorashada Puntland