Maxey ku Heshiiyeen Dowladaha Kenya & Somalia Maxaase ku Heshiin Waayeen…

Africa News Somalia news

14-sanadood ee u dambeysay Dowladaha Kenya & Somalia waxey wada galeen Heshiisyo badan, ayaan darraso wax badan kama dhaqan gelin, iyadoo lagu sababeeyo in 2-dal aysan daacad ka aheyn iney oofiyaan balamada ay wada galaan, 6-dii Bishaan ay labada dhinac ay Heshiis ku gaareen Magaalada Nairobi..

Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka oo ku sugan magaalada Nairobi ayna ku wehliyaan tiro badan Wasiiradiisa ah, ayaa waxey ku gaareen 3-heshiis oo kala ah Iskaashiga Difaaca, Waxbarashada iyo kan Ganacsiga, inkastoo kuwii ugu muhiimsanaa aan lagu soo darin kuwa la saxiixay.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in laga saaray 3-Malaf oo Buuq ka taagnaa kuwaasoo kala ah, Socdaalka, Ganacsiga Qaadka & Tirada Diyaaradaha u kala goosha Labada Dal.

Socdaalka & Dal ku galka, Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Dowlada Kenya ay ka caga jiiday iney Muwaadininta wata Basaboorka Somalia wata iney dalkeeda u fasaxdo sababo Amaan iyo cabsida ay ka qabto in Kordhaan Tirada Somalida Kenya oo saameyn ku yeelata Doorashada Dalkaasi.

Ganacsiga Qaadka, Hogaanka Villa Somalia ayaa diiday in Heshiiska lagu soo daro Malafka Qaadka inkastoo Dowlada Kenya iyo Ganacsatada Gobolka Meru ay aad u xiiseynayeen in heshiis rasmi ah loo bedelo mid haatan shaqeeya, waxeyna la xiriirta Caafimaadka iyo Isku dheeli tirka Qaadadka Kenya & Ethiopia ee Somalia loo suuq geeyo.

Duulimaadyada iyo Qiimaha Tikidhada:- Xuuraano la helay ayaa xaqiijinaaya in Wasaarada Gaadiidka Cirka ay muddo waday Qorshe balaaran oo 2-Shirkado Diyaaradood oo dhanka Kenya ka socda iyo 2-Shirkadood Somalia ka socda loo xiro Duulimaadyada Kenya iyo Somalia, iydoo meesha laga saaraayo ku dhawaad 6-Shirkadood oo kuwa Ka howlgala Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in Dhanka Kenya ay ka soo dhamaan weysay gaar ahaan Xafiiska Garyaqaanka guud ee Kenya, iyadoo Heshiiskaan ay ku suuq beeli lahaayeen Ganacsato badan oo Soomaaliyeed, Villa Somalia ayaa qorsheyneysay iney Ciqaabto Shirkadahaan oo ka diiday khidmada loo qondeeyay in laga qaado Socotada u kala gooshta Gobolada Dalka, isla markaasna Heshiiskaan uga faa’iideysato in Qiimaha Tikidhada la kordhiyo.

325820cookie-checkMaxey ku Heshiiyeen Dowladaha Kenya & Somalia Maxaase ku Heshiin Waayeen…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com