Farmaajo oo Dib u Soo Magacaabay Wiil Qaraabadiisa Ah

Somalia news

Waxaa jah-wareer ka taagan Xafiiska Wasiirka 1-aad kadib markii Mr.Farmaajo uu dib u soo magacaabay Xoghaye uu eryay 40-maalmoodka hor kadib markii lagu eedeeyay inuu awood sheegasho xafiiseed, shaqsigaan oo lagu magacaabo cabdirisaaq Xuseen Aadan….

Ilo wareedyo ku dhow xafiiska Wsiirka 1-aad ayaa sheegaya in tan iyo markii Xilka laga qaadayRa’iisul wasaarihii hore, maamulka Dowlda ayaa isu bedelay goob ay fowdo iyo awood sheegasho ka dhaco, iyadoo xubnobadan oo qaraabo iyo xigto la ‘ah Madaxweynaha ay ku tafrifalayaan awooda Madaxweynaha.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in ilaa 3 La Taliye Sare oo ka tirsanaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha la bedelay, loona wareejiyay Wasaarado, waxaa ku jira raggaas Yaxye Cali Hareeri oo ahaa Mas’uulkii awooda loo sheegtay oo gaariga laga dejiyay, waxaana la sheegaya in shaqadii xafiiska Wasiirka 1-aad ay isku cakirantay.

59840cookie-checkFarmaajo oo Dib u Soo Magacaabay Wiil Qaraabadiisa Ah