Maxey tahay Sababta Sad-Buursiga Ciidamada Uganda loogu Siiyay Howlgalka AUSSOM ee Somalia…

Africa News Security Somalia news

Iyadoo horaantii sanadkaan uu bilaawday Howlgalka cusub ee AUSSOM ee Xasilinta Somalia 5-ta sano ee soo socota, iyadoo sanadkiiba mar Golaha Amaanka ay cusbooneysiin doonaan, ayaa waxaa su’aalo ka timid sababta sad-buursiga loogu siiyay Ciidamada Uganda oo tiradoodu gaari doonto 7000-oo Askari….

Iyadoo Ciidamada Difaaca Shacabka Uganda (UPDF) ay isku diyaarinayaan inay ka qaataan door nabad ilaalineed oo ballaaran gudaha Somalia, waxeyna hoos tegaya howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo lagu wado iney Ciidamadaan ka socda UPDF la wareegaan maamulka Sektorada 1-aad iyo 2-aad ee fariisinkoodu yahay Gobolada Shabeelada hoose iyo Shabeelada Dhexe.

Ciidamada Uganda oo xasuuq ba’an u geystay Shacbiga Soomaaliyeed Howlgaladii AMISOM iyo ATMIS ee Gobolada Benaadir iyo Shabeelada hoose, isla markaasna aan ka garaabin magdhowna ka bixin ayaa Hogaanka fashilmay ee Villa Somalia u sad-buursiiyay iney helaan tirada ugu badan ee Howlgalka Cusub ee AUSSOM, waana ayaan darro, iyadoo loogu baaqay in baaritaan dheeraad ah iyo isla xisaabtan la sameeyo ka hor inta aan ciidamo dheeraad ah aysan Uganda geynin Somalia.

358540cookie-checkMaxey tahay Sababta Sad-Buursiga Ciidamada Uganda loogu Siiyay Howlgalka AUSSOM ee Somalia…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com