Beeraleyda Qaadka Hareeriga Oromada Oo Dowlada ku Eedeeyay in Si Xeeladeysan Suuqa looga saaray

Africa News Somalia news

Beeraleyda Qaadka Hareeriga ee Gobolada Oromoda ayaa cabsho xoogan ka soo saartay iney suuqa iibka ka baxaayaan, kadib markii Maamulka Abiy uu soo dhistay Hey’ado gaar ah oo qaabiksan Suuq geynta iyo dhoofinta Qaadka, talaabadaan ayeey ku tilmaameen mid lagu xakameynaayo ganacsigooda..

Sida Laga soo xigtay Wargeyska Addis Standerd ayaa lagu dheegay in Dowlada ay dhistay Urur lagu magacaabo Biftu Baha Oromia laba sano ka hor, waxeyna sheegeen in si xeeladeysan suuqa Ganacsiga Qaadka looga Saaray Beeraleyda, iyagoo farta ku goday in Xubnaha Ururkaan ay Kiiladii Qaadka Hareeriga ah Beeraleyda uga soo iibsadaan 5-US$ Kiiladi, halka ay ku iib geeyaan Somalia & Djbouti 25-30.

Ururkaan ayaa ku mideysan 500-xubnood waxaa ka mid ah Ganacsatada, wuxuuna raasimaalkoodu dhan yahay 24-Million Birta Ethiopia, waxeyna qaadka u dhoofiyaan Magaalooyinka Mogadishu, Djbouti, Hargeysa, Garoowe iyo Gaalkacyo.

210490cookie-checkBeeraleyda Qaadka Hareeriga Oromada Oo Dowlada ku Eedeeyay in Si Xeeladeysan Suuqa looga saaray
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com