Maxkamad USA Ku Taal Oo Xukun Adag ku Xukuntay Saraakiil hore Galmudug uga Tirsanaa..

Security Somalia news U.S.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa xukun Maxkamadeed oo ka dhacay Dalka Mareykanka ayaa ku xukuntay Labo mas’uul hore oo Soomaali ah min 30 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu eedeeyay doorkii ay ku lahaayeen afduub qloo geystey wariye Mareykan ah oo lagu magacaabo Michael Scott Moore..

Wararka ayaa sheegaya in Eedeysane Cabdi Yusuf Xassan, 56 jir ah, degan Minneapolis, iyo Mohamed Tahlil Mohamed, oo 43 sano jir ah, kana yimid magaalada Mogadishu, ayaa lagu xukumay maxkamad ku taala magaalada New York kadib markii February 2023 lagu helay eedeymo la xiriira afduub, argagixisanimo, iyo dembiyo hub.

Xasan oo haysta dhalashada Maraykanka, isla markaana soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug, iyo Maxamed oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Somalia, ayaa ku takri-falay xilalka ay ka hayaan dowladda Federaalka, si ay u abaabulaan afduubka Moore, kaasoo Somalia u tagay bishii Janaayo 2012 si uu u baaro burcad-badeedda iyo dhaqaalaha Degaanka.

Sida laga soo xigtay dukumentiyada maxkamada, Moore waxaa weerar gaadmo ah ku qaaday rag aad u hubeysan meel u dhow magaalada Gaalkacyo ee Soomaaliya, waxaana lagu garaacay qoriga baadkiida, waxaana lala qabtay labo kalluumeysato ah oo u dhashey Seychelles. Intii uu afduubka ku jiray, Moore waxa lagu kala hayey meelo kala duwan, oo ay ku jirto markab la afduubtay oo ay afduubayaashu dileen kabtanka, maydkiisana ku kaydiyeen qaboojiyaha markabka.

Dacwad Oogaha ayaa daaha ka qaaday tafaasiil gaar ah oo naxdin leh oo ku saabsan sida loola dhaqmay la haystayaasha, Hal tusaale, Moore waxaa lagu qasbay inuu daawado markii kooxihii afduubay ay jirdilayeen saaxiibkiis oo ay geed ka soo laadlaadiyeen oo ay bakoorad ku garaaceen.

Kiiskan oo ay baaritaan ku sameeyeen xafiisyada FBI-da ee Boston iyo Minneapolis oo gacan ka helaya Waaxda Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, ayaa ka dhigan guul laga gaarey dacwad lagu soo oogay saraakiil sarsare oo ku lug lahaa howlgallada burcad-badeedda Soomaalida.

349730cookie-checkMaxkamad USA Ku Taal Oo Xukun Adag ku Xukuntay Saraakiil hore Galmudug uga Tirsanaa..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com