Farmaajo Oo Ku Fashilmay Inuu Colaado Beeleed Geliyo Jubbaland

Somalia news

3-sano Ee ugu dambeysay ayaa Mr.Farmaajo wuxuu gacmaha kula jiray qorshayaal gurcan kuwaasoo salka ku haya sidii Dagaalo sokeeye ugu bilaabi lahaa Gobolada Jubooyinka, isagoo adeegsanaaya shaqsiyaad ku beel ah, wuxuuna sidoo kale u daabulay Hub iyo Saanad Qaranka Soomaaliyeed leeyahay, isagoo gacanta u geliyay Horjoogayaal Beeshiisa ka soo jeeda…

Waxaana la sheegay in Mr.Farmaajo uu si cad u diiday dhowr isku day heshiis oo la doonaayay in lagu soo afjaro Khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe, isagoo sidoo kale hor istaagay in heshiis la dhex dhigo jufooyin ka mid ah Beesha Mareexaan oo qaarkood ka soo horjeeday qorshaha Farmaajo.

Wasiirka Amniga Jubbaland Mr.Cabdirashiid Janan ayaa sheegay “In Cidda Isku direysa Beelaha Mareexaan iyo Ogaadeen ay yihiin Madaxweynaha iyo Agaasimaha NISA, iyagoo adeegsanaaya Saraakiil hoose oo wada colaad hurin, kicin iyo daandaansi dagaal degaanada Mandheera iyo B/Xaawo.

Hogaanka Villa Somalia ayaa muuqda tabo-gelinta qorsho gaar ah oo lagula wareegaayo guud ahaan Dalka oo dhan gaar ahaan Maamulka Dowlad Goboleedka Jubbaland, iyadoo adeegsanaayo Ciidamada Ethiopia iyo Eritrea, iyadoo la hirgelinaayo nidaam aan aheyn kan lagu heshiiyay (Federaaleynta Somalia), taasoo u muuqata halis culeyskeeda wadata.

76020cookie-checkFarmaajo Oo Ku Fashilmay Inuu Colaado Beeleed Geliyo Jubbaland