Maxkamada Gobolka oo Soo Saartay Go’aan Dembiyadii Lagu waayay Saraakiil Dowlada U Shaqeyneysa..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Go’aan ay soo saartay Maxkamada Gobolka Benaadir taasoo ku weysay dembiyadii lagu soo oogay Eedeysanayaasha mar soo qabtay Xilalka Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha (Maxamed Aadan Koofi iyo C/qaadir Cali Cilmi (Cabdul) iyo Agaasimihii Cabshuuraha Biriga (Muxiyadiin Xasan Jurus (Saabey)..

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ayaa ku dhawaaqay go’aanka Maxkamada, Go’aankaan ayaa ka dhigan in Maxkamaddu ka bari-yeeshay dhamaan wixii eedeymo ah ay Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Hanti dhowrka ku soo oogeen kuwaasoo la sheegay in Xafiiska Madaxweynaha laga soo abaabulay halka kuwaan xukuno kala duwan lagu riday.

Eedeysanayaasha Xukunka lagu Riday

-Maxamed Ibraahim Axmed oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa isaga oo maqane ah lagu xukumay 4 sano oo xarig ah.

-Cabdiraxmaan Maxamed Cali Caadle oo isna ah sarkaal ka tirsan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa isaga oo maqane ah lagu xukumay 4 sano oo xarig ah iyo inuuna qaban karin xafiis dowladeed si joogto ah.

-Abuukar Xasan Aadan oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda socdaalka a iyo jinsiyadaha ayaa isaga oo maqane ah lagu xukumay 4 sano oo xarig ah.

-Maxamed Xuseen Nageeye oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda socdaalkaa iyo jinsiyadaha ayaa isaga oo maqane ah lagu xukumay 2 sano oo xarig ah.

-Cabdullaahi Daahir Wehliye oo sarkaal u shaqeynayay bankiga dhexe qaybta garoonka Aadan Cadde ayaa isaga oo maqane ah lagu xukumay 3 sano oo xarig ah iyo inuuna qaban karin xafiis dowladeed si joogto ah.

-Cismaan Xasan Cosoble oo sarkaal ka tirsan hay’adda socdaalka a iyo jinsiyadaha ayaa lagu waayay wax dambi ah, waxayna maxkamadda ka bari yeeshay eedaha loo jeediyay.

-Cabdalle Maxamed Axmed oo ka tirsan xafiiska hantidhowraha guud ee qaranka ayaa lagu waayay wax dambi ah, waxayna maxkamadda ka bari yeeshay eedaha loo jeediyay.

-Cabdikaafi Xasan Maxamed sarkaal ka tirsan hay’adda socdaalka a iyo jinsiyadaha ayaa lagu waayay wax dambi ah, waxayna ka bari yeeshay eedaha loo soo jeediyay.

-Jacfar Maxamed Axmed oo ahaa sarkaal ka tirsan wasaaradda ayaa lagu waayay wax dambi ah, waxayna ka bari yeeshay eedaha loo soo jeediyay.

Maamulka Villa Somalia ayaa waayahaan dambe waday Olole uu uga takhalusaayo Siyaasiyinta iyo Waxgaradka ka soo horjeeda Aragtidiisa, iyadoo sidoo kale uu ka dhigay Xafiisyada Xeer ilaalinta, Boliiska iyo NISA kuwa danihiisa uu ku fushada waana ayaan darro in Musuqa iyo boobka ka jira Gobolka Benaadir, Dekada iyo Garoonka Diyaaradaha aan wax laga qaban.

328590cookie-checkMaxkamada Gobolka oo Soo Saartay Go’aan Dembiyadii Lagu waayay Saraakiil Dowlada U Shaqeyneysa..