Ma Dhabaa in Mr.Biixi uu Diiday inuu Ciidamada kala baxo Duleedka Magaalada Laascaano

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ayaa tilmaamaya in Waan waantii ay ka dhex wadeen Dowladda Ethiopia dhinacyada isku hor fadhiya duleedka Magaalada Laas caanood uu ku yimid dib u dhac kadib markii Maamuulka Muuse Biixi uu diiday inuu kala baxo Maleeshitadiisa iyo hubka u yaala Xerada Gooje cadde…

Xogtaan ayaa sheegtay in Muuse Biixi Cabdi oo la kulmay qaar kamid ah Salaadiinta taageersan, Gudoomiyaha Guurtida, Wasiirka arrimaha gudaha iyo xubno uu kamid yahay Gudoomiyaha UCID ay isku afgarteen in aysan jiri karin talaabo ciidan la bixid ah.

Qaar kamid ah Culumada Diinta ee degaanada Somaliland oo maalmo ka hor la kulmay Muuse Biixi, ayaa wariyey inuu ka ogolaaday in dagaalka la joojiyo, ciidamadiisana ka dulqaado magaalada, balse taasi ayaa guldareystay waqtigan sida muuqata.

Maalmo ka hor, Mr.Biixi ayaa Ergo kasocda dawladda Ethiopia u sheegay inuu ka tashan doono go’aanka u dambeeya kaasoo ugu dambeyn noqday inuu qaato dhabaha dagaalka oo uusan ciidamadiisa saari doonin, iyadoo ay horey Isimadda SSC dalbadeen in ciidanka SL laga saaro dhulkooda.

246390cookie-checkMa Dhabaa in Mr.Biixi uu Diiday inuu Ciidamada kala baxo Duleedka Magaalada Laascaano