Maxkamadda Ciidamada Iyo NISA Oo Khilaaf U Soo Kala Dhex Galay

Politics

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya Khilaaf xooga uu soo kala dhex galay Madaxda Maxkamadda Ciidamada iyo Hogaanka NISA kadib markii uu Agaasimaha ka horyimid ku dhaqanka u hoganaansanaanta shuruucda iyo Dastuurka Dalka…..

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Adeege Fahad uu diiday in Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida lagu wareejiyo saddex Eedeysane, oo ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida, isla-markaana lala xiriirinayo dilka wiil mooto bajaajle ahaa, oo bishii December loogu gaystay Magaalada Muqdisho, iyadoona horey looga sii qaatay mootadii uu watay.

Falkaan ayaa soo banaan baxay, kadib markii saddexdaasi Eedeysane lagu arkay mootadii uu ku shaqaysan jiray marxuumka, waxaana jirtay in raggaasi lagu xiray Xarunta Hay’adda Dembi Baarista CID, balse ay markii dambe xoog ugala baxeen askar ka tirsan kuwa NISA.

Wararka ayaa sheegaya in ehelada marxuumka ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida weydiisteen in ay cadaalad Helaan, oo sharciga la waafajiyo xubnahaasi, oo si dhow uga amarqaata Agaasimaha NISA.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada uu laamaha ammaanka weydiistay in la soo xiro raggaaasi, balse uu is hortaag ku sameeyay Adeege Fahad ee NISA.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya Xafiiska Xeer Ilaalinta in dacwad ka dhan ah Hoggaanka NISA uu gaarsiiyay Xafiisyada Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad, hase ahaatee aynaan jirin cid wax ka qabatay.

Ilo madaxbannaan ayaa sheegaya Fahad Yaasiin in ehelada marxuumka uu u soo jeediyay in ay mag/diyo qaataan, ha yeeshee ay ku gacan sayreen, isla-markaana ay dalbadeen in xubnahaasi sharciga la horkeeno, laguna qaado ciqaabta ay muteystaan.

Nabadoon Saciid Macalin Kuulow oo ka mid ah ehelada marxuumka, kal horena ka hadlay saddexda Eedeysane ee laga fakiyay Xarunta CID ayaa faahfaahin ka bixiyay sida uu ku yimid xarigooda iyo kiiska loo haystaba.

24760cookie-checkMaxkamadda Ciidamada Iyo NISA Oo Khilaaf U Soo Kala Dhex Galay