Sahal Isku Gudbinta Cudurka Covid-19 iyo Dhaqanka Soomaalida

Fashion

Inkastoo ay Mas’uuliyiinta Wasaarada Caafimaadka ay qireen in Dalka uusan laheyn awood uu kula tacaalo, hadii uu ka dilaaco gudaha Wadanka, hadana waxey rajeynayaan in wacyi gelinta ay qeyb ka qaadato ka hortagga Cudurka faafintiisa…

Ilaa Xiligaan 3-Bukaan ayaa lagu tuhmayaa iney qabaan Cuddurka oo mid ajnabi yahay halka labada kale ay muwaadiniin yihiin kuwaasoo ka soo kala safray dalalka China iyo Talyaaniga oo faro ba’an uu ku hayo Dadka dalalkaasi.

Balse Cabsida ugu weyn xiligaan ayaa lagu tilmaamay iney tahay iyadoo aan Bulshada Soomaalida aysan ku baraarugsaneyn halista Xanuunkaan (Coronavirus), taasoo horseeday ineysan qaarkood u Dhego nuglaan baaqyada Caafimaad ee loo jeedinaayo.

Prof.Cusmaan Maxamuud Dufle ayaa sheegay “ In Dhaqanka Soomaalida uu yahay in bukaanada loo dhowaado oo hoosta laga galo si loogu muujiyo laxawo, taasoo horseedi karta inuu si fudud cudurka aad-marka ah ku faafo, Waxaana loo baahan yahay in la iska ilaaliyo, maxaa yeelay cudurkaan Waa saf mar oo si fudud ayuu ku faafaa. ayuu sheegay Dr.Dufle.

24730cookie-checkSahal Isku Gudbinta Cudurka Covid-19 iyo Dhaqanka Soomaalida