Milkiile Hotel Oo Lagu Xiray Hargeysa

Health

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya I. Xoogaga amaanka ay xabsiga u taxaabeen Axmed Odowaa Milkiilaha Hoteelka Sky  oo ku yaalla Xaafadda Maslaha ee Koonfurta Magaalada iyo Xaaskiisa….

Wararka ayaa sheegaya in xariga Milkiilaha iyo Xaaskiisa uu yimid, kadib markii ay diideen Codsi uga yimid Guddiga u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga Coronavirus ee Somaliland, kaasoo ahaa in ay Hoteelka u ogolaadaan in lagu hayo qaar ka mid ah Dadka ka yimid dalka dibeddiisa ee Guddigu doonayso in muddo 14 Maalmood ah la karantiilo, si loo hubiyo inay qabaan Coronavirus.

Dadka la doonayey in lagu karantiilo Huteelka ayaa ahaa Dad diyaaradda Ethiopian Airlines ay Hargeysa keentay isla-markaana uu ku fulay amarkii Shalay ka soo baxay Guddiga u diyaar-garowga Coronavirus ee ahaa in la karantiilo dhammaan Dadka Rakaabka ah.

Xariggan labadan Qof ayaa yimid maalin ka dib markii Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Hargaysa, Mr. Xamse Ciise uu Warbaahinta ka sheegay in uu indhihiisa ku arkay Mas‘uuliyiin ka mid ah maamulka oo Dad ka soo degay Diyaarad Ethiopia ka timid u raadinaya Guri ay u kireeyaan, si loogu karantiilo.

Waxaa haddaba dhacday in dadkii la sheegay in la karaantiilayo la geeyay goob dusha ka furan, taasoo kasoo horjeedda nidaamka karaantiilka.

24230cookie-checkMilkiile Hotel Oo Lagu Xiray Hargeysa